Calendar

ciidanka Asluubta dowlada Somalia oo manta gaadiid loogu loogu deeqay

Munaasabad balaaran oo maanta muqdisho lagu qabtey ayaa Ururka iskaashga islaamka ee (O.I.C)  uu ku gudoosiiyay gaadin laba ah ciidamada asluubta Somalia, gadiidkan ayaa kala ahaa gaadidka caafimaadka ee  Ambulance iyo midka biyahah lagu qaado, munaasabadani oo ay cidamada asluubta kula wareegen gaadiidkan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir iyo Sarkiil ka tirsan Cidmada Asluubta Soomaaliyeed kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Maxamed Iidle Sabriye oo ka mid aha Mas’uuliyiinta Ururka Iskaashiga Islaamka oo goobta ka hadley ayaa sheegay Iney ugu talagaleen in lagu caawiyo Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar, si loogu adeego baahidooda, ayna sii wadayaan kaalmooyinka ay siinayaan hay’adaha amaanka dowladda.

Taliyaha Cidmada Asluubta Jenaraal Xuseen Xasan Cismaan oo goobta ka hadlay ayaa uga mahadcaliyay Ururka Iskaashiga Islaamka kaalmada ay soo gaarisiyeen ciidanka Asluubta, isagoo sheegey in ay jiraan baahi intaas ka badan.

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Farax sheeq Cabdiqaadir oo ugu dambeyntii xafladaas ka hadlay ay sheegay in Wasaaraddu ay waddo qoshe ku aadan sidii wakhtiga soo socda dib u dayactir xoogan loogu sameyn lahaa Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Xukumada Somaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir iyo Taliyaha Cidmada Asluubta ayaa waxa ay kormeereen qeybo ka mid ah Xabsiga Dhexe oo ay ka socdaan howlo dayactir xoogan, isgoo warbixino ku adaan sida ay socdaan howsha ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ee howshaasi ku gudo jiro.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: