Calendar

Madaxweynaha Puntland iyo wafdigii lasocday oo dib ugu Laabtay Addis Ababa (sawiirro)

Addis Ababa_ Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa muddo labo maalin ah booqasho kujoogay magaalada JigJiga ee xarunta DDS Itoobiya, waxayna kullamo kulasoo qaateen masuuliyinta maamulkaasi.

Wafdiga ayaa waxaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaradaha ee magaalada Addis Ababa Wasiirka arrimaha dibada dalka Itoobiya  Dr. Tedros , Safiirka Ethiopia u fadhiya Somalia iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in socdaalka uu ku tegay JigJiga ay ahayd mid taariikhiya, waxaana uu aad ugu mahadceliyay masuuliyintii iyo shacabkii kusoo dhoweeyay Jigjiga.

36-740x555 45-740x555 54-740x555 (1) 54-740x555 113-740x555 (1) 113-740x555 212-740x555

www.Bartamaha.Com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: