Calendar

DAAWO SAWIRRO Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Talyaaniga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud  iyo wafdiga ballaaran ee la socda ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga ra’iisul wasaaraha dalkaas, Enrico Letta.

Ra’iisul wasaaraha Talyaanig ayaa kulanka kahor wuxuu shir ay irriduhu u xiran yihiin la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo markii dambena si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay ciidamada dalka Talyaaniga, iyadoo ay u tumeen ciidamada bambeydu muusikada astaanta labada calan ee Somalia iyo Talyaaniga.  Kulanka labada mas’uul dhexmaray ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda dowladda Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaan-dhigga, C/xakiin Maxamuud X. Faqi, wasiirka maaliyada, Maxamuud Xasan Suleymaan, wasiiru-dowlaha madaxtooyada Faarax C/qaadir, safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga Muuse Xasan iyo xubno kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Enrico Letta ayaa kulankoodan kaga hadlay doorka Talyaaniga ee arrimaha Soomaaliya  iyo sidii xiriirka ee labada dal loo sii adkeyn lahaa.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: