Calendar

Dawlada Soomaaliya oo xabsiga u taxaabtay xubin sare oo ka tirsan ururka Xizbul Islaam

IMG_0642Ciidamada amniga Dowladda Somalia ayaa la sheegay inay maanta xabsiga dhigeen Sheekh Maxamed Macallin Cali oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xisbul Islaam oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Inkastoo dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlin xariga Sheekh Maxamed Macallin ayaa haddana waxaa saxaafadda u xaqiijiyay Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddoow oo ah xoghayaha golaha shuurada ee Xisbul Islaam, isagoo xusay inay aad uga xun yihiin xariga mas’uulkan.

Dhanka kalana Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddow oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shuurada Xisbul Islaam ayaa beeniyay in shir uga furmay ururkooda magaalada Muqdisho, kaasoo uu ku dhawaaqay Xoghayihii Arrimaha dibada Xisbiga Sheekh Maxamed Macalin.

Ismaaciil Caddow ayaa sheegay inay xil ka qaadeen Maxamed Macalin, kadib markii lagu soo eedeeyay labo qodob, isla markaana hada kadib aanu xil u heyn ururkooda sida uu yiri.

“Walaalow shirkaas aslan ma jiro, aniga gudoonka golaha shuurada ka mid ahay, hadii shir la qabanaya, waxaa is ka leh Golaha shuurada wax ay ka war qabto ma jirto”ayuu yiri Ismaaciil Caddow oo la hadlay Idaacada VOA.

Waxaa uu sheegay in Maxamed Macalin uu keligiis shiray, isla markaana aanay jirin haba yaraatee wax shir ah oo dhacay, waxaana uu tilmaamay in aanu Afhayeen u aheyd, isla markaana warbaahinta uu si amar la’aan ula hadlay.

“Keligiis ayaa shiray Maxamed Macalin, waxyaabaha uu ku eedeysan yahay waa labo qodob, looma idlam kulamo xisbi, sidaas darteed golaha shuurada qaraar ayay ka qaateen oo ah in xilkii arrimaha dibada u qaabilsanaa, waana laga qaatay”ayuu yiri Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddow.

Mar wax laga weydiiyay aragtidooda ku saabsan xariga Sheekh Xasan Dahir ayuu sheegay in Gudoomiyahooda Al-Xisbul islaami ay wali dowladda ay iska heysato oo ay qabsatay, isagoo tilmaamay in aanay dowladdu sidan ahaan doonin oo waligood aanay Ciidamo ajnabi aysan hoos joogi doonin waxa uu ugu yeeray kooxda xukunka heysta.

Xisbul Islaam ayaa sheegay inay dhowaan qaateen siyaasad dib u heshiisiin iyo nabad, isla markaana shirkooda ku saabsan yahay shir nabadeed oo aragtida dadweynaha iyo fikirkooda ay ku qaadanayaan.

Ururka Xisbul Islaam ayaa kol hore ku dhawaaqay inay ka baxeen Al-Shabaab oo ay horay u midoobeen dhamaadkii sanadkii 2010, iyadoo dhaq dhaqaaqan aanu xilligan awood badan ku laheyn dalka, isla markaana aanu gacanta ku heyn deegaano.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: