Calendar

Dadka Reer jabuuti Oo Saaka U dareeray Goobaha Codbixinta Madaxtinimada

djibouti-electionWaxaa guud ahaan maanta dalka Djibouti looga dareeray doorashadii madaxtinimada ee dalka, waxaana ku tartamaya madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii saddexaad tartamaya iyo musharaxa madax bannaan Maxamed Warsame Raage.

Doorashada oo horey loo shaaciyey inay dhacayso Jimcaha maanta oo bishu tahay 08, March ayaa la rajeynayaa inay ka qeybgalaan 500,000 oo ruux oo u diiwaangashan doorashada.

Guddiga doorashada Djibouti ayaa sheegay inay diyaariyeen illaa 380 xarumood oo codadka laga dhiibanayo kuwaasoo ku yaalla guud ahaan waddanka Djibouti.

Axsaabta mucaaradka ayaan ka qeybgaleyn doorashadan kuwaasoo iska diiday inay tartamaan, waxayse mucaaradku isku raaceen in doorashada codkooda ay siinayaan musharaxa madaxa bannaan ee Maxamed Warsame Raage.

Mucaaradka waxay sidoo kale sheegeen in dawlada hadda jirta ay diiday xoriyada hadalka iyo saxaafad madax bannaan.

Waxaa aad loo adkeeyey maanta amaanka guud ahaan wadanka gaar ahaana caasimada Djibouti iyadoo guud ahaan ganacsiga, shaqooyinka iyo waxbarashada ay fasax yihiin.

Wasaarada arimaha gudaha ayaa ugu baaqday shacabka inay codkooda dhiibtaan ayna ka fogaadaan wixii carqaladeyn kara doorashada. Iyadoo heegan la geliyey ciidamada booliska ee dalka.

Dhanka kale waxaa dalka gaaray qeybtii ugu dambeysay ee korjoogtada caalamiga ah ee ka imaaneysa dibadaha, waxaana hadda Djibouti ku wada sugan ergo ka kala socota  ururada IGAD, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, ururka Islaamka, Midowga Europe iyo wadamada Mareykanka iyo qaar ka mid ah Europe.

Mucaaradka iyo dadka saadaaliya siyaasada ayaa durba sadaal hordhac ah ka bixiyey natiijada doorashada iyagoo ku dooday inay iska cadahay in mar saddexaad uu soo laabanayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Balse dhanka kale, dadka taageersan madaxweyne Geelle ayaa sheegay in mucaaradka ay ku andacoonayaan eedeymo aan jirin kadib markii au keeni waayeen wax barnaamij siyaasadeed ah oo dadka u sheegaan.

In madaxweyne Geelle uu u tartamo doorashada kuriga madaxweynaha xilli saddexaad waxay ku timid go’ankii barlamanka dalkaasi uu gaaray dhowr bilood ka hor kaasoo lagu bedelay sharcigii mamnuucayey in hal shakhsi uu saddex jeer doorashada galo.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: