Calendar

Dagaal labo beelood ku dhexmaray gobalka Hiiraan

dagaal beeleedBartamaha Beledweyne _ Wararka aan ka helayno gobalka hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in dagaal udhexeeya labo beelood uu ka dhacay manta deegaanka Diifow oo katirsan degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Dagaalka ayaa lagusoo waramaya inuu gaystay khasaare badan, waxaana ku geeriyoday inta la xaqiijiyey afar ruux halka dhaawacyo intaa kabadan la gaarsiiyey Isbitaalka degmada Beledweyne.

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaalku ku fido dhulka miyiga ah, iyadoona hada uu ka socdo meel qiyaastii 30 Km. ujirta degmada Beledweyne, waxaana uu dagaalkani daba socda dagaal beeleed horay uga dhacay deegaankaasi.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka dowlada ee gobalka Hiiraan, waxaase horay ay ugu guul daraysteen maamulka dowlada iyo kuwa AMISOM ee kusugan gobalka inay dhex dhexaadiyaan labada beelood ee ku dagalamaya deegaanka Diifow.

www.Bartamaha.com

Xafiiska wararka Beledweyn

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: