read more »">
Calendar

Midowga Afrika oo wakiil cusub usoo magacawday Soomaliya

MamanBartamaha Muqdisho_ Ururka Midowga Afrika ayaa ergay cusub usoo magacabay Soomaliya iyo hogaanka AMISOM, waxaana uu bedeli doonaa ninki horay xilkaan iskaga casilay Mohamet Salah Anadif.

Ergayga cusub oo udhashay dalka Nigeria ayaa lagu magacaaba Maman Sadikou, waxaana la sheegay inuu yahay nin aqoon yahan ah oo looso xulay shaqadani.

Midowga Afrika ayaa war kasoo baxay lagu sheegay In Maman Sadikou oo ah Proffessor uu bedi doono Ergaygii hore mr. Anadif.

Maman Sodikou ayaa horay usoo noqday safiirka Nigeria ufadhiya Maraykanka, isagoona lasoo shaqeeyey Bankiga adduunka, Hay’adda USAID iyo UNICEF.

Mr. Sodikou waxaa uu haystaa shahaadada PHD ee qaybta saxaafada, waxaana uu mar agaasime kasoo noqday Telefishinka dalka Nigeia.

Ergaygaygii hore oo u dhashay dalka Chad Mr. Anadif ayaa xilka iska casilay lamana oga sababta ku dhalisay inuu booskani baneeyo, waxaana danjirahan cusub uu noqonaya midkii labaad oo labo sano gudahood looso magacabo Somaliya.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: