read more »">
Calendar

Shabaab oo cafis kale la siiyay.

Xili shaley Maamulka Dowlada Soomaaliya ee Gobalka Sh/dhaxe uu isku soo dhiibey Hogaamiye ka tirsanaa maleeshiyada kooxda Shabaab ee Soomaaliya ayaa waxaa arintaasi iyo raga shabaab kasoo goosta ee dhanka Dowlada Soo gala ka hadley Taliska Hay’ada nabad sugida Goobalka Banaadir.

 

Taliyaha Hay’ada nabad sugida Gobalka banaadir Khaliif Axmed Ereg oo ka hadley Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay oo ku celiyey iney mar kale ay fursad siinayaan dhalinyarada u dagaalanta xarakada Shabaab ee Soomaaliya ee isku soo dhiibaya Dowlada Soomaaliya.
Khaliif ayaa waxaa uu shaaca ka qaadey in aaney jiri doonin in la dhibaateeyo dhalinta Shabaab kasoo cararta ee isku soo dhiibaya Dowlada Soomaaliya,isagoona tilmaamay iney u sameynayaan dhaqan celin balaaran,hadii ay u hogaansamaan Amarka Dowlada Soomaaliya.
“Hay’ada nabad sugida Gobalka Banaadir waxaa ay u balan qaadeysaa dhalinta Shabaab iney Dowlada Soo dhaweyneyso oo wax dhibaato ah loo geysaneynin,laakin ha ogaadaan in wax yaabaha ay sameynayaan aaney aheyd wax ku wanaagsan dalkooda iyo dantoodaba”sidaasi waxaa yiri Taliyaha Hay’ada nabad sugida Gobalka Banaadir.
Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay marar badan ku celisey iney soo dhaweyneyso dagaalyahanada kooxda Shabaab ee Soomaaliya hadii ay isku soo dhiibaan Dowlada Soomaaliya.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: