Calendar

wadan kamid ah wadamada islaamka oo lagu soo rogtey xukunka shariga islaamka

boqorka wadanka Brunei Xaaji Xasanal Bolkiah aya wadankiisa kusoo rogay xukunka shariciga islaamka ,

sido kale boqorka ayaa sheegey in  wadankaasi  hada kadib  lagu xukumi doono sharciga islaamka si buuxdo ayadoo qofkii wax xataa laga goyn doono gacanta iyo lugta lana marsiin doono ciqaabta uu farey allaah [subxanahu watacala] in la marsiiyo danbiile kaste oo ay kamid tahay qofkii gogol dhaaf sameeya in lagu dilo dhagax hadii uu horey u soo gursadey halka kan anan guursan la karbaashi doono.

wadankan boqortooyada ayaa sharcigan lagu soo rogay mudo sanad ka hor ah balse dib hadana loo dhigay ayadoo hada si rasmi ah loogu dhawaaqey

shariga  salaada jimcaha

Sharciga cusub ayaa sidoo kale dhigaya in qofkii tegi waaya Salaadda Jimcaha, la ganaaxi doono ama la xiri doono.

Dhaqangalka qeybta labaad ayaa waxaa ka mid ah in dadka Khamriga cabo la karbaasho, tuugadana gacmaha laga jaro,

boqorka ayaa sgeegey in shariga islaamka uu yahay sharciga xaqa ah ee ka yimid xaga allaah ayna wajib tahay in la isku xukumo madaama uu dhanka alle inooga yimid sida uu hadalaka u dhigay 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: