Calendar

DEG DEG: Madaxwayne Xassan Sheekh oo aqoonsadey Maamulka Sadexda Gobol ee Koonfur Galbeed

BARTAMAHA DEG DEG – Waxaa in ka yar saacad ka hor Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiekh Mohamuud uu ku dhawaaqay inuu aqoonsadey maamul sadexda gobol ee looga dhawaaqay Baydhabo.

kulan Qaatay Dhowr Maalmood oo ay iskugu soo laab laabanayeen Ergooyinka Labada Maamul iyo Madaxda Sadaxda ah Ee Dalka ugu sareysa ayaa waxaa looga dhawaaqay ugu Dambeyntii Maanta oo 23 06 2014 ah in Maamulka Lixda Gobol la bur buriyay isla markaana uu sharci Noqon doono Maamulka Sadaxda Gobol oo isna KMG Noqo Doona mudo Koobana jiri doona .

Madaxweynaha ,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra,iisul wasaaraha ayaa waxaa ay si wada jir ah ula hadleen Saxaafada waxaana ay sheegeen in ay isku raaceen in maamulka sadaxda Gobol uu si KMG ah Xaruntiisu u ahaato Magaalada Baydhabo isla markaana la saaro Gudiyo soo dhameystira Heshiiska la dhex dhigay Labada Maamul Madoobe Muunow ayaana  tanaasulay iyadoo Maanta xilalka laga qaaday qaar ka mid ah wasiiradii Madoobe Muunow

Warbaahinta ku sugan Xarunta Madaxtooyada ayaa ku soo waramaya in Mas,uuliyiinta labada Maamul ay is gacan qaadeen oo ay ku heshiiyeen in Sadaxda Gobol Maamul ku Eg ay sameestaan iyadoo ay xusid Mudan tahay in Maamulka Shabelle State uu ka jiro Gobolada Shabelooyinka Madaxda Shabelle state ayaana Ra,iisul wasaare Cabdi wali ku Eedeeyay in uu Duminayo Maamulkooda .

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: