Calendar

Dowladda KMG ah oo Eedeyn u Jeedisay ICG

Dowladda KMG ah ayaa ka jawaabtay warbixin ay hay’adda ICG ka soo saartay waxqabadka dowladda KMG ah labadii sano ee ay jirtay.

ICG oo ah hay’ad ka faalloota xasaradaha caalamiga ayaa sheegtay in aanay jirin wax qabad muuqda oo ay sameysay dowladda KMG ah, iyadoo sheegtay in dowladdu ay hasato hogaan xumo iyo musukhmaasukh.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda KMG ah Cabdikariim Xasan Jaamac oo u warramay VOA-da ayaa jawaab ka bixiyay warbixinta ICG, isagoo sheegay in ICG ay ka leexatay inay ka hadasho waxqabadka muuqda ee ay dowladdu sameysay ayuu yiri labadii sano ee ay jirtay.

Wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay wasiirku, dhismaha ciidamada oo uu sheegay, la dagaalanka musukhmaasukha iyo wadashaqeynta wasaaradaha dowladda.

dhanka kale khubarada arrimaha Soomaaliya ka faalloota ayaa sheegay in warbixinta ICG ay ku jirto khaldaad badan, ayna ka aamustay inay ka hadasho waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid tahay khilaafka hadda ka taagan xil kororsiga baarlamaanka.

___

VOA SOMALI

Comments

comments

Category : Wararka Maanta and tagged , , , , , .
« »

Comment: