Calendar

Dowladda kmg ee soomaaliya oo maanta Dalka Jabuuti u qaadayso dhawacyada Suxufiyiintii ku dhaawacmay Tiyaatarka.

wariyaashi ku dhaawacmay tiyaatarkaMaanta ayey ahayd markii Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho laga dhoofiyay dadkii Suxufiyiinta ahaa ee waxyeeladu gaartay kuna dhawacmay qarixii Tiyaatarka iyadoo loo qaaday dalka Jabuuti si xaaladooda Caafimaad wax looga qabto.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya C/laahi Bile Nuur oo garoonka Muqdisho saxaafadda kula hadlay ayaa shaaraxay tirada Wariyayaasha ee maanta dowladdu ay qaadeyso.

Wuxuuna Sheegay Wasiiru dowlaha Wasaarada Warfaafinta in Dowladda ay maanta Dalka Jabuuti u qaadayso dhawacyada Suxufiyiinta kala ah Deeqo Maxamed Axmed, Siciid Shire Warsame, Axmed Maxamed Xasan, Amaal Maxamed Xirsi iyo Xamdi Maxamed Xasan, isagoo u mahad celiyey Dowladda Jabuuti oo dadkii qaabilaysa.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa socday Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaaw wuxuu sheegay in magaalada Jabuuti ay diyaar ku yihiin dhaqaatiirtii daweyn lahayd dadkaasi.

Wuxuu intaa ku daray in marka ay halkaasi tagaan si diiran loogu soo dhaweyn doono oo Dowladda Jabuuti ay u diyaar garowday ayna uga mahad celinayaan, Dowladda Jabuuti iyo sidoo kale safaaradda Dalka jabuuti Xarunteeda Muqdisho.

Dalka jabuuti ayaa markii ugu horeysay loo qaaday dadkii qaraxa tiyaatarka wax ku noqday dadka Soomaaliyeed ayaa horay waxay wax isaga weydiinayeen sababta dowladda ay wax ugu qaban la’dahay dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay Qarixii Tiyaatarka Muqdisho hasa ahaatee waa gargaar soo daahay oo waqtigii logu tala galay dib ugu soo dhacay.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: