Calendar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno uu hogaaminaayo oo maanta ka amba baxay Magaalada Muqdisho.

tarsanGuddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo Sideed guddoomiye Degmo ayaa maanta ka amba baxay Magaalada Muqdisho waxeyna u anba baxeyn Magaalada Kampala, kulankaas ayaa waxaa looga hadlayaa dib u dhiska caasimadda Muqdisho iyo amniga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo inta aysan ka duulin Garoonka isaga iyo xubnaha la socda ka hor saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyey Safarkooda iyo waxyaahaba uu ku saabsan yahay.

Wuxuu sheegay in isaga iyo sideed guddoomiye degmo ay baxayaan maanta aysan kulan ku soo qaadanayaan Dalka Uganda waxaa uu sheegay in looga hadli doono danguud.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in guddoomiye waliba marka uu halkaasi tago uu ka hadli doono baahida degmadiisa ka jirta sida uu sheegay.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: