Calendar

Faah Faahin: Maxaa ka soo baxay kulan xasaasi ah oo ay yeeshen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya (Akhriso)

Screen shot 2014-11-06 at 9.09.04 PM

Muqdisho (Bartamaha) Kulan xasaasi ah oo xalay saqdii dhexe ku dhex maray madaxda ugu sareysa dalka xarunta Madaxtooyada ayaa looga hadlay arrimaha Khilaafaadka ka dhex taagay Madaxweynaha dowladda F. Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli. iyadoo uu kulankani ka dhacay guriga Madaxweynaha.

Illo lagu kalsoonyahay oo ka tirsan Xarunta Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay kulanka oo socday muddo ka badan saddex saacadood in lagu gorfeeyay xaaladaha uu dalku marayo iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo khilaafka hoggaanka sare ee dalka u dhexeeya, khilaaf kaas oo keenay in ay kala qeyb samaan xubnaha golaha Wasiirada iyo Baarlamanka. Iyadoo qaar kamid ah baarlamanka ay sheegeen in ay Xukuumadda ka keenayaan Mooshin halka caalamkuna uu sheegay Xildhibaanadu in ay codkooda ku badalanayaan lacag taas oo dhaawacday sumacdii Baarlamanka.

Kulanka dhex maray Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kasoo baxay saddex qodob oo ay saddexda mas’uul iskula garteen in khilaafka xal loogu heli karo.

  • In dib-u-eegis lagu sameeyo go’aammadii kasoo baxay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
  • In Wada hadal lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee ka dhashay warsaxaafadeedkii kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha isla markaana labada dhinac isugu yimaadeen go-gol kale.
  • In la joojiyo Mooshinka Xukuumadda oo keenay dhaawac ku yimid sumacadii Baarlamanka iyo shaqii golaha Xukuumadda, taas oo halis gelin karta dadaalka loogu jiro dib-u-yegleelid aas-aaska qaranimada Soomaaliya.

Dhinaca kale,war baahinta ayaa baahisay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka inay mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Mooshin ay saxiixeen Xildhibaano ka badan 100 daqiiqado ka hor loo gudbiyay Gudoonka, iyadoo uu ka gudoomiyay Nidaamiyaha Baarlamaanka, kaasoo ku dhiftay shaabada qabashada.

Inkastoo aan wali helin tiro sax ah oo ah Xildhibaanada saxiixay, hadana waxaa mooshin geyn kara ilaa 55 xildhibaan, sida uu ii xaqiijiyay mid ka mid ah howl wadeenada ka tirsan Baarlamaanka.

Ugu dambeyn,xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ah kuwo kala qeybsan, waxaana jira Xildhibaano ku hanjabay in hadii uu Gudoonka mooshin ka dhan ah Xukuumada uu aqbalo ay iyana mooshin ka keeni doonaan Gudoonka Baarlamaanka.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: