Calendar

Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya oo maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa arima dhoor ahna looga hadlay.

golaha wasiirada 2Muqdisho, Khamiis, May 3, 2012——-Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo shirkani uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,

waxaana shirkan looga dhagaystay warbixino Gudiyo loo xilsaaray shirka ay isgu imaanayaan hogaamiyayaasha dhaqanka kaas oo lagu wado inuu si rasmi ah u furmo 05-05-2012.

Gudiyada loo xilsaaray isku duba ridka shirka odayaasha dhaqanka waxay kala yihiin:

1. Gudiga Logistikada

2. Gudiga Hab maamuuska (Protocol).

3. Gudiga Wacyi Galinta

4. Gudiga Amniga

Ugu horeyntii shirka waxaa looga dhegeystay warbixin Gudiga Logistikada iyagoo ku nuux-nuuxsaday inay qabteen howl baaxad weyn, waxayan shegeen inay diyaariyeen dhamaan agabkii loo baahnaa sida guryihii ladajin lahaa Hogaamiyayaasha dhaqanka, Gawaaridii ay isticmaali lahaayeen iyo diyaarinta hoolkii shirku kadhici lahaa, waxayna gudigu tilmaameen in dhamaan tasiilaadkii loo baahnaa ay soo dhamaystireen shirkuna xiligii loo cayimay uu qabsoomayo.

Gudiga Habmaamuuska (Protocol) ayaa sheegay inay si wanaagsan u soo dhaweeyeen Hogaamiyayaasha Dhaqanka kuwaas qaarkood 02-05-2012 kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aden Cade iyagoo kasoo socdaalay qayba kamid ah Gobolada Dalka waxayna gudigu usameeyeen aqoonsiyo ay uga qayb galayaan shirka.

Sidoo kale waxaa madasha kahadaly Gudiga wacyi galinta waxayana sheegeen inay usameeyeen tasiilaad dhamaystiran Saxaafada, Hobolada iyo Bahda Suugaanta kuwaas oo kaalin mug leh kaqaadanaya xaflada furitaanka shirka.

Gudiga Amniga ayaa iyana sheegay inay caasimada Muqdisho amaankeeda wax badan kaqabteen gaar ahaana goobta shirku kadhacayo si aad ah loo adkeeyey amnigeeda iyadoo iska kaashanayaan arimaha nabadgalyada Hay’adha kala duwan ee dowladda.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey wax qabadka ay muujiyeen gudiyada kala duwan waxaana uu sheegay in kulamo uu laqaatay maalmihii lasoo dhaafay Bulshada qaybaheeda kala duwan ay balan qaadeen inay qayb weyn kaqaadanayaan shirka Hogaamiyayaasha Dhaqanka waxaana ay sheegeen inay ku dhiiri galindoonaan Odayaasha Dhaqanku inay soo xulaan ergada ansixinta tastuurka dad karti leh.

—DHAMAAD—golaha wasiirada 2golaha wasiirada 1

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: