Calendar

Ciidamada ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee maanta is horistaagga ku sameyeeyey xildhibaano iyo oday dhaqameedyo.

Kulankan is hor’istaagga lagu sameeyey ayaa looga soo horejeeday Dastuurka qabyahada ee dhaawaan xukuumadda KMG Soomaaliya ay sheegtay inay dhamays tirtay dhawaanna la ansixin doono, waxaana kulankaasi qeyb ka ahaa xildhibaano iyo oday dhaqameedyo ayaa waxaa maanta is hor istaag ku sameeyey Ciidamada ammaanka Dowladda KMG Soomaaliya.

Ciidamada ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee maanta is horistaagga ku sameyeeyey kulan ayaa waxay sheegeen in amar ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka loo hakiyey kulankaasi.

Hadda qaar ka mid ah xildhibaannadii iyo oday dhaqameedyadii maanta ku madalsanaa kulankaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa dhaliilay arrintaasi kuna tilmaamay caburin.

Waxay sheegeen in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay labaduba ku fashilmeen wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya islamarkaana waxay cod dheer ku sheegeen inay xilka isga dagaan.

Mudanyaal kale oo meesha ka hadlay ayaa iyana dhankooda sheegay in arrintani ay caburin tahay balse aan bulshada Soomaaliyeed aan lagu qasbi karin wax aysan raali ka ahayn.

Kal hore ayaa wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qarankan Xukuumadda KMG Soomaaliya waxay amaro dhowr ah ka soo saartay shirarka iyo kulamada ka dhacaya goobaha gaarka ah iyo Hoteellada Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay sheegtay inaan la qaban karayn haddii aan lagu soo wargalin wasaaradda.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: