read more »">
Calendar

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo kasoo Horjeestay Kordhinta Halka Sano Ee Dowladda isagoona Taageeray Kordhintii 3-da Sano Ee Baarlamaanka

BartaamhaMugadisho/Bartamaha: Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si kulul ugu soo horjeestay Kordhintii Halaka Sano Ee dowladda FKMG Soomaaliya ay kordhisteen isagoo sheegay in go’aankasi aysan marna raali ka nqon karin Baarlamaanka.

Mar uu wareysi siinayay Warbaahinada Mugadisho Gudoomiyaha Baaralmaanka Dowladad FKMG Soomaaliya Ee Shariif Xasan Sheekh Aadan ayuu Carabka ku dhuftay inuu kasoo horjeedo Halka Sano Ee dowladda kordhisatay isagoo dhinaca kale taageeray Sadaxdii Sano Ee Kordhisteen Baaarlamaanka Soomaaliya.

“Awood ayee u leeyihiin In Baarlamaanka ay kordhsitaan Sadax Sano, laakiin Awod u malahan in Madaxwaynaha Ee WAsiiradiisa u kordhiyaan Hal Sano, tanina waa kasoo horjeednaa” ayuu usheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka mar uu wareysi siinayay Warbaahinada Mugadsiho.

Waxuu sidoo Kale sheegay Shariif Xasan inusan waxba ka ogeyn go’aankii golaha wasiirada ugu kordhiyeen dowladda FKMG waqtigeeda mudo sanad dheeraad ah.

Hadaba Qilaafka u dhaxayeey Labada Shariif ayaa cirka isku sii shareerayo iyadoo Maalintii Shaaly Ee Golaha Baarlmaanka ku shireyn Xarunta Shacabka Soomaaliyed waxaana  Gudoomiyaha Baarlaamaanka marka hore laga dhagaysatay Safaradii uu kusoo maray Dalka Dibadiisa.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: