Calendar

Xaaladda Deegaanka Ceel-Gaal Oo Saaka Degan iyo Madaafiic Goos Goos ah Oo Dhacaya

Ceel-GaalCeel –Gaal/Bartamaha:Waxaa Saaka degan duleedka Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ka dib markii dagaal qasaaro badan geestay ka dhacay halkaas.

Dagaaladii ugu badnaa waxay ka dhacayn Deegaanka Ceel-Gaal Ee Magaalada Beldweyne iyadoo qasaaro aad u badan soo kala gaaray Dhinacyadi Dagaalamay Ee Al-Shabaab iyo Cidimada la magacbaxay Dooxaad Shabelle.

7-ruux ayaa ku geeriyootay inkabadan Toban qofna way ku dhawacmatay Dagaaladii ka dhacay Deegaanka Ceel-Gaal, iyadoo dadkii ku  dhaawacmay Dagaaladni la geeyay Isbitaalka Magalaada Bedweyne.

Waxaa la dareemayay beryihii u dambeeyay is uruursi ciidan deegaanka Kalabeyr ee duleedka magaalada B/weyne, waxaana dadku aad uga cabsi qabeen in saameen ku yeeshaan dagaalo laga filan karay inay qarxaan.

Goobjogayaal ku sugan Goobta Dagaalka shalay ka qarxay ayaa www.Bartamaha.com u xaqiijiyay in Saaka La dareemayo xaalad Deganaansho ah hadana waxaa meesha ka marnayn in Madafiic Goos Goos ah Ee ka dhacayso Deegaanka Ceel-gaal Ee Xarunta Magaalaad Beladweyne Ee Gobolka Hiiran.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: