Calendar

gudoomiyaha cusub ee dagmada caabudwaaq oo xilkii la wareegey iyo madax badan oo kaso qayb gashay xilwarejintasi

magaalada caabudwaaq ee gobalka galgaduud ayaa waxaa maanta xilkii kula wareegay gudoomiyaha cusub ee dagmada caabudwaaq loo soo magacaabay, ayadoo xaflada xilwareejinta ay kasoo qayb kaleen guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee maamulka dowladda Soomaaliya, guddoomiyeyaasha degmada Dhuusamareeb iyo deegaanka Balanballe, taliska xerada 21-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo qeybaha bulshada xafladani oo si heersare ah loosoo agaasimay ayaa waxa si rasmi ah xilkii gudoomiye nime dagmada  caabudwaaq ula wareegay gudoomiyaha cusub ee  Cabdirisaaq Xasan Cawl.

Guddoomiyihii hore ee degmada Caabudwaaq Axmed Jaamac Dhirif oo ka hadlay xafladda xil-wareejinta ah ayaa sheegay inuu la shaqeyn doono maamulka cusub ee degmada.

Guddoomiyaha cusub oo isaguna halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu ballan-qaadayo in si wanaagsan uu u gudan doono waajibaadka saaran.

dhinaca kale gudoomiyeaha ayaa sheegey in uu uu wax ka qaban doono nabad galyada dagmadaasi iyo is dhex galka bulshada asagoo sido kale bulshada ka codsadey inay la shaqeeyaan maamulka dowlada somalia ee caabudwaaq si buu yiri loo gaaro guulo wax ku ool ah

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: