Calendar

Indha Cade oo ku hanjabay aar gudasho iyo baaq uu u jeediyay saraakiisha Dowlada.

indha caddeBartamaha(Muqdisho):-Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Fd Ee Soomaaliya ayaa wacad ku maray in uu ka aar gudan doono Koxda Alshabaab illaa uu ka dhinto.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad(Indha-Cadde) ayaa sheegay in uu ogaa in weerar uu ku soo socdo isagoo sheegay in uu ka aar gudan doono kooxaha ka danbeeyay qaraxa isaga lago doonayay in lagu dilo.

Indha Cadde ayaa shegay in ay kooxda shabaab ay doonayaan in ay isaga dilaan balse uu xili waliba ka fashilanayo qaraxyad ay qorsheynayaan in ay sameeyeen oo ay dad ku laayaan.

Wasiiru Dowlaha ayaa balan ku qaaday in uu dagaal ku wadayo alshabaab inta uu dalka ka sifaynayo ama ay isaga ka dilayaan taasi oo uu sheegay in ay tahay ujeedada uu shaqada ugu hayo Bulshada soomaaliyeed.

Masuulkaasi ayaa waxa uu ssaraakiisha Dowlada ugu baaqay in ay ammaanka adkeeyaan islamarkaana ay la socdaan gawaarida la dhigayo wadooyinka muhiimka ah ee saraakiisha dowlada ay isticmaalaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.           

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: