Calendar

Sweden oo lacag malaayiin ah ugu yaboohday Soomaaliya

2013823635128423151038316Lund15Dowlada Sweden ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ugu deeqday Lacag dhan 300 Malyuun.

Kadib Shir maalintii Shalay ahayd lagu soo gabagabeeyo Magaalada Lund ee dalka Sweden oo ahaa Shirkii Sanadlaha ahaa ee 12aad kaas oo ay isugu yimaadeen Aqoonyahnada Dalalka Gobalka Geeska Africa.

Gebagabadii shirka ayaa Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Sweden waxey kaga dhawaaqday in Lacag dhan 300 oo malyuun ay sanad walba ugu deeqi doonto dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ah Shir Sanadadla ah ayaa waxaa sanadkaan Diirada lagu saaray  Kheyraadka, Khilaafaadka iyo Nabadda Gobolka geeska Africa.

C/laahi Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha Shirkaasi ayaa Waxa uu Warbaahinta u sheegay In shirka Sanadkaan lagaga hadlay Arimo badan oo muhiim u ah dalalka Geeska Africa, ayna dhanka kale ay si wayn u soo dhawaynayaan lacagaha loogu deeqay dalka Soomaaliya, ayna tahay Arintaasi Talaabo horay loo qaaday.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: