Calendar

Hooyo Soomaaliyeed oo Gurmad Deg deg ah u Baahan.

1

20/11/2011 Marwo Faadumo Maxamed oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo gaari kula rogmadey inta u dhexeysa Magaaladda Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha, islamarkaana ka jaban shan meelood oo qaarkood ay halis yihiin, ayaa la soo gaarsiiyey Caasimada dalka Jabuuti 25/11/2011.

Shilka la soo gudboonaadey Hooyo Faadumo, wuxuu yimid  iyadoo ka baxsaneysa kooxda Al-shabaab  oo wiil curadkeeda ah horey ugu diley inta u dhexeysa Muqdisho iyo Af-gooye, isla markaana markale ugu hanjabey in ay dilayaan. Kadib markii ay ogaadeen in ay wali ku nooshahay Muqdisho iyo agagaarkeeda, Sida ay iigu warameen qaar ka mid ah eheladeeda oo ahdda la socda, kuwaasoo wajiyadooda ka muuqtey murugo iyo daal fara badab, iyagoo mararka qaarkood hadalada hakad ka galayey,oo soogaarsiiyey caasimada dalka Jabuuti.

Eheladda  oo diidey in la shaaciyo magacyadooda, mar aan weydiiyey sida shilka uu u dhacay iyo sida ay wax u gaareen ayaa waxay yiraahdeen “gaariga oo xawli u socdey ayaa seddax jeer is rogey, waxaa uuna ka baxay wadda, mana aysan helin wax gargaar deg deg ah, waayo dadku baqdin iyo casi daran ayey ka qabaan gaariga rogmadey, halka uu ka yimid iyo waxa uu yahay ayaa la is-weydiiyey, waayo ma ahayn, gaariga kuwa BL-ka ah ee rakaabka qaada, Waxay ka soo saareen laba wiil oo dhaawac iyo Hooyo Faadumo oo Koomo ku jirta.

Waxaa la geeyey Isbitaalka, waxaa la saarey Raajo (XRy), waxaana la cadeeyey in ay ka jaban tahay A= Qoorta, B= Kalxanta, C= Gacanta midig oo laba meel ka jaban iyo Lafta dheer ee Dhabarka. Hooyo faadumo waxay soo miirsatey lix saacood kadib, waxaana la ogaadey in qaarka dambe nodey parleys (Baralaas), maalintii labaad ayaa wuxuu ku taliyey in halkaan aan wax looga qaban-karin oo dalka dibadiisa loo qaado,  Ehelada Hooyo Faadumo oo aan haysan dhaqaalo sidaa u buuran ayaa waxay heleen gurmad lagu soogaarsiiyey caasimadda dalka Jabuuti, waxayna ku jirtaa Is-bitaal lagu baxnaaninayo xaaladeeda caafimaad.

Ehladu waxay keloo ii sheegeen in hawlaheeda caafimaad aan halkan si waafi ah looga heleyn, isla markaana halka ugu dhow ay tahay dalalka Khaliijka, Yurub iyo Mareykanka, Ehlada oo ay ka muuqato in uu dhibayo hadalka ayaa waxay codsadeen in gacan bani’aadaninimo lala soo gaaro sida aad ku arkeysan sawiradan, sababtoo ah.

Halkaan ka daawo sawirada Hooyo Faadumo Maxamed (u gurmo dhibanaha ku horyaal)

Cidii gacan ka geysaneysa fadlan Email-kan ama taleefoonadan kula xiriira   ama Taleefoonadan 00253-767859 ama 00253-767869

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

.

23

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: