Calendar

howl gal balaaran oo dad lagu soo qabqabtey oo laga fuliyay dagmada yaaqshiid

ciidamada dowlada somalia iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa maanta galinkii hore howlgalo balaaran ka fuliyaya xaafa mid dagmada yaaqshiid ee gobalka banaadir howlgaladaani oo lagu baadi goobayay kooxo danbiilayaal ah ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay  xaafadaha waqooyi ee jidka Soddonka, waxaana lagu soo qabqabtay dad badan sida uu ku soo waramayo weriyaha warbaahita bartamaha ee maagaalada Muqdisho.

dhinaca kale howlgaladani ayaa waxaa lagu baarayay gaadiidka maraya wadooyinka xafadahaasi iyo sido kale xaafada qaarkood oo loo galayay guryahooda qol qol,

ila hada macada tirada dadka la qabtey balse waxaa la qiyaasayaa in la qabqabtey dhalinyara badan oo goobta ka dhawayd wakhtiga uu socday howl galadaasi ,

howlgalkani ayaa waxaa uu kamid noqonayaa howlgalada lagu sugayo amanka magaalada caasimada ee somalia kuwaas oo socday maalmahaan oo dhan lagu na bartilmaameed sanayey kooxaha arga gixisada ah ee falal ka amaan darada ka wada caasimada somalia

wixi war ah oo kusoo kordho kala soco warbaahinta bartamaha

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: