read more »">
Calendar

qarax saaka lala eegtey mid kamid ah macalimiinta jaamacada Horseed ee magalada muqdisho

wararka naga soo gaarayo magaalada muqdisho ee caasimada somalia ayaa sheegaya in halkaasi qarax ka dhacay ,

qaraxani ayaa la sheegay in saaka laga maqlay gudaha jaamaca horseed ee magaalada muqdisho

qaraxaani ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday hal qof inta la ogyahay inkasoo uu kabadan karo qasaaraha qaraxani intaas , qaraxaani ayaa la sheegay in uu ku rakibnaa gaari yaalay goobta gaariyaasha la dhigto ee jaamacada horseed.

mulkiilaha gaarigani ayaa waxa uu ahaa Macalin Axmed oo ka tirsan Macalimiinta Jaamacada, sidoo kalana la shaqeeya Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Xilligii uu qaraxu dhacaayay, ayaa la soo sheegayaa in Macalinka uu bixinaayay daruusta ku aadan Kulliyada uu ka dhigo Jaamacada Horseed, mana jirin waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi.

Hay’adda Nabad Suggida oo ku baxday goobta ay wax ka dhaceen, ayaa waxay ku hawlan tahay waxa keenay, qaraxa Macalin Axmed loogu soo xiray gaarigiisii gaarka ahaa.

ilaa hada majiraan wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka ee dowlada fedaralka somalia oo ku aadan qaraxani oo samayn ku yeeshay daruusaha jaamacada horseed ee magaalada muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: