read more »">
Calendar

xaalad biyo la’aan oo laga soo sheegayo deegano ka tirsan gobalka galguduud

ayado ay dhawaan  ahayd markii tiro kor u dhafeysa 11 qof ku geeriyoodeen xadka labada gobal ee  Galgaduud iyo Hiiraan oon iyo haraad darteen ayaa  hadana waxaa biyo la’aan ba an laga soo sheegayaa deegaanka xeraale oo ka tirsan gobalka Galguduud ,

gudoomiyaha dagmada xeraale Bashiir Daahir Yuusuf xafiiska warbaahinta bartamaha ee gobalka Galgaduud u waramay ayaa ino sheegey in xaalad biyo la ‘aan darani ka jirto dagmadaasii asagoo sheegey in magaaladaasi ay leedahay afar ceel biyood laba kamid ah na ay cilad awgeed la istgeen halka labadii kale na ay biyo yareeyeen ,

gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka dagan miyiga magalada ay aad u samaysay biyo la’aanta oo ay aad ugu qaaliyoobeen asagoo sheegay in halkii fuusto ay gaartey 200 oo ku oo shilin somali ah , gudoomiyaha ayaa dowlada fedaralka ah iyo hay’adaha caalamiga ah ka codsadey in dadkaasi lala soo gaaro gar gaar biyo oo dag dag ah.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: