Calendar

Hub Shabab usocdey oo Xalay lasoo qabtay

xamarWasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa ka warbixisay Dagaal Xalay ka dhacay Xaafada Buulaxuubeey ee Degmada Wadajir oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Koox Hubeeysan.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in Xalay Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay galeen Guri ku yaala Xaafada Buula Xuubeey ee Degmada Wadajir,halkaas oo lagu diyaariyey Hub iyo Dariis Ciidan oo Al-shabaab loo waday.

Ciidamada Dowladda  Soomaaliya iyo Kooxdii Hubeeysneeyd ayaa waxaa dhaxmaray dagaal Mudo Saacado ah Qaatay,waxaana markii danbe Ciidamada Amaanka u suuro galay in ay Gacanta ku dhigaan Hub iyo Dariis Ciidan.

Afhayeenka ayaa sheegay in Hubkaas iyo Dharka Ciidanka loo waday Al-shabaab islamarkaana la qabtay,waxaana uu intaa ku daray in Dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameeyn Doonto.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Afhayeenka in Dadka Shacabkaa ay soo Wargaliyeen oo Wasaarada Amniga ay Xogtaa soo siiyeen.

Goobta uu Weerarka ka dhacay ayaa waxaa Gaaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Shiekh Axmed oou Mahadceliyey Ciidankii Howlgalka Fuliyey.

lama sheegin Khasaaraha Weerarka Xalay ka dhashay,marka laga Reebo Hubka iyo Dharka ay Dowladdu sheegtay in ay Gacanta ku dhigtay.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: