Calendar

Ilka -Xanaf ” AMISOM waa diiday Inay Amaankeena sugto”

ilko xanaf 2Bartamaha Muqdisho_ Guddomiyaha Maxkamada sare ee Soomaliya Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa ku eedeyey ciidamada AMISOM inay ka gaabiyeen sidii ay usugi lahaayeen amaanka Hay,addaha Garsoorka dalka.

Ilka-Xanaf oo waraysi siiyey Laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay shaqadooda ugu horaysa tahay inay sugaan amaanka Hay,adda garsoorka, isagoona intaasi ku daray in garsoorku uu qayb kayahay saddexda Hay,adooda ee dalka ugu saraysa.

Waxa uu cadeyey In AMISOM si toosa u diideen inay sugaan amaanka Maxkamada sare ee dalka, wuxuuna intaasi ku daray inay halis ugu jiraan weeraro uga yimaada Al-shabaab, taasi oo uu sheegay inay ku kaliftay inay tagi waayan xafiisyadooda.

Ilka-xanaf ayaa beeniyey su,aal ahayd inay ku leg leeyihiin dadka uxukuman falalka argagixisino ee xabsiyada laga siidaayo.

Ururka Al-shabaab ayaa horay weerar ugu qaaday xarunta Maxkamada Bishii April sanadkii 2013-kii, weerarkasina waxaa uu noqday midkii ugu horeeyay ee lagu qaado Hay,addaha ugu sareeya dalka.

www.Bartamaha.com

Muqdisho.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: