Calendar

Munaasabad is dhex Galka Bulshada looga hadlayay oo xalay ka dhacday Degmada Yaaqshid

Munaasabadani oo xalay Ka dhacday Hoteelka Guuleed ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka Degmada Yaaqshid ee dowladda Soomaaliya taasi oo ku saabsaneed is dhex Galka Bulshada iyadoo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin kala duwan oo u badan Guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan.

Masuuliyiinta kala duwneed ee Ka hadashay Munaasabadaasi ayaa waxa ay Mahad Ballaaran u Jeediyeen Maamulka Degmada Yaaqshid ee soo qaban qaabiyay Munaasabaddaasi iyagoo dhanka kale ka faalooday Muhiimadda Munaasabadaha Ceynkaani oo kala ah u leedahay Bulsha weynta Soomaaliyeed ee waqtiga aadka u fog la daalla dheceysay dhibaatada daashatay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Tarsan oo halkaasi ka hadlay ayaa marka hore Hambalyo diiran waxa uu u diray Shacabka iyo Maamulka degmadaasi Yaaqshid sida wacan ee wadaninimada ay ku dheehantahay oo ay isugu howleen in ay soo nooleeyaan is dhex galka shacabka Soomaaliyeed isagoo dhanka kalena hadallo Guubaabo ah halkaasi ka jeediyay.

Munaasabadahaan isdhex Galka Bulshada loo qabanayo ayaa Muddooyinkii dambe ahaa kuwa Joogta ka ah  Degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir taas oo uu Maamulka Gobolka Banaadir isugu dayayo in uu ku soo Nooleeyo is dhex galka qaybaha Bulshada ee ku nool Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: