Calendar

Kenya oo Africa ka codsatay in si wadajir ah loola dagaalamo Argagixisada

BARTAMAHA  - Xoghaya arrimaha dibeda ee dalka Kenya Aamino Maxamed ayaa beesha caalamka u jeedisay in si wadajir ah looga shaqeeyo dhibaatada argagixisada oo ah mid isku si u saamaynaysa dunida oo idil.

Aamino Maxamed oo ku sugan magaalada Malaba ee dalka Guinea, waxay sheegtay in kooxda Al-shabaab ay khatar wayn ku tahay ammaanka bariga Afrika iyo weliba kan Kenya.

Xiriirka sirdoonka ee dalalka gobolka oo la xoojiyo ayaana lagu gaadhi karaa in si wadajir ah looga shaqeeyo ka hortaga khatarta Argagixisada caalamiga ah, wasiirka intaas ku dartay in ficil midaysan la sameeyo.

“maaha inaan canbaarayno oo keliya waa inaan ficil samaynaa si aan u burburino awoodda Argagixisada ee dhibta ku haya dadkeena iyo dalalkeena.” Ayeye titi wasiir Aamino Maxamed wasiirka arrimaha dibeda iyo ganacsiga caalamiga ah ee Kenya.

Sidoo kale waxay sheegtay in dalka Kenya ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo dhanka amaanka ah maadaama Al-shabaab ay weeraro kala duwan ay ka geystaan dalkaas Kenya.

 

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: