Calendar

Kenya ‘waxaan weerareynaa Afgooye’

Colonel Cyrus Oguna of the Department of DefenceDowladda Kenya ayaa sheegtay inay ku weerari doonto al-Shabaab meelo fog oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay ciidanka militeriga ee Kenya, Colonel Cyrus Oguna, ayaa sheegay in weerarrada meela ay ku qaadi doonaan ay ku jirto magaalada Afgooye.

Afgooye oo u dhaw magaalada caasimadda ee Muqdisho, ayaa waxa ku nool kumanaan dad oo soo barakacay.

Waxaa kale oo ay sheegeen inay weereri doonaan magaalooyinka dekedaha leh.

Afhayeenka Kenya waxa uu uga digay dadka rayidka ah inay ka fogaadaan meelaha ay al-Shabaab ka hawlgalaan.

Tan iyo markii Kenya ay weerarka ku qaaday al-Shabaab laba bilood ka hor, dayaaradaha dagaalka ee Kenya waxa ay garaaceen goobo la sheegay inay al-Shabaab ku lahaayeen saldhigyo.

Ciidanka Kenya waxa ay koonfurta Soomaaliya ka joogaan saddex goobood, laakiin wax horumar weyn kama aanay sameyn tan iyo markii halkaasi la geeyay bartamihii bishii Oktoobar.

____

BBC

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: