Calendar

Koox Boosaaso wax ku dilay iyo Ciidamada Ammaanka oo dad soo qabqabtay.

BossasoBartamaha(Boosaaso):-Ciidamada Ammaanka Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa qabqabtay koox laga shakiyay kuwaasi oo dil xalay ka geystay gudaha Boosaaso.

Koox bistoolado wadatay ayaa waxa ay Boosaaso ku dileen wiil dhalinyara ah oo aan la ogayn waxa uu ka galoabsaday iyadoo halkaasi Cidiamada ammaanka ay ka qabqabteen koox laga shakiyay.

Ciidamada ammanka Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu dilka ka dhacay iyadoo ay isku weer ka qabteen ka dibna ay gaari ku soo qaadeen in ka badan 15-dhalinyara ah oo dilka looga shakiyay qaarkood.

Dilalka Xalay dhacay ayaa waxa uu ahaa mid dadka magaalada aya si weyn ula yaabeen iyadoo la garan la’yahay sababta loo dilay wiilkaasi dhalinyarada ah oo Bistooladley Xalay ay nolosha u diideen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: