Calendar

Gobolka Gal-gaduud oo saaka dagan iyo qasaaraha dagaalkii shalay dhacay oo sii kordhaya.

DSC00209Bartamaha(Ceel-Dheer):-Deegaanadii shalay dagaalka uu ka dhacay Ee Goboilka Gal-gaduud ayaa saaka daganaansho looga soo toosay iyadoo maydad hor leh lagu arkay Deegaanada dagaalka uu ka dhacay.

 Deegaanka Coosweyne Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Maydad ay ka carareen Alshabaab laga helay Deegaankaasi ka dib markii dadka reer Ceeldheer iyo Coosweyne ay saaka ku dhaqaaqeen dhulka uu dagaalka ka dhacay. 

Maydadka ayaa la sheegay in ay ahaayeen dhalinyaro aad u da’yar oo Alshabaab ay ka carareen maydadkooda markii dagaalka uu cuslaaday kuwaasi oo gaaraya 4-dhalinyara mayd ah.

Dhanka Warxoolo oo uu dagaalka xoogiisa badan ka dhacay ayaa saaka ah mid xasiloon iyadoo weli ay joogaan Ciidamada Alshabaab oo shgalay deegaankaasi lagu soo weeraray wallow qasaara xoogan uu labada dhinac kala gaaray.

Dhulka uu dagaalka ka dhacay ayaa waxa uu yahay hadda mid cidla ah oo aanay jirin koox si rasmi ah uga dhaqaaqi karta iyadoo maleeshiyada labada dhinac ay weli yihiin kuwa isku dhow oo aan kala dheereen dagaalna u diyaar ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: