Calendar

Kooxo hubaysan oo nin ganacsade ah ku dilay magalada Gaarisa

GaarisaBartamaha Gaarisa _ Kooxo hubaysan ayaa gelinkii dame ee shalay Nin ganacsade ah ku dilay magaalada Gaarisa ee xarunta gobalka Waqooyi Bari Kenya.

Ganacsadaha la dilaya ayaa la oran jiray Maxamed Indho-buur, waxaana kooxdii dilka gaysatay mid kamid ah gacanta ku dhigay dadka degmada Gaarisa oo isugusoo baxay goobta uu dilku ka dhacay.

Dadka deegaanka ayaa gacanta u geliyey ninkii ay qabteen ciidamada Booliska, waxaana ay wararku sheegayaan in ninkaasi Isbitaalka la dhigay kadib markii ay dhaawacyo kasoo gaareen dadkii ka gadooday dilka ganacsadaha oo ay la dhaceen dhagxaan iyo biro.

Ninka la qabtay ayaa la sheegay inuu kasoo jeedo Soomaliya, waxaana saraakiisha ciidanku ay sheegeen in falkani ay ka dameeyaan kooxda Al-shabaab oo beryihii dame falal amni daro kawaday dalka Kenya.

Falkaan dilka ah ayaa daba socdo weeraro ay Al-shabaab ka gaysanaysay Kenya, oo ay ugu damaysay weerarkii lagu qaaday gobalka dhaca xeebta Kenya.

Baratamaha.com

Xafiiska Nairobi

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: