Calendar

Kulankii Barlamanka oo lagu kale tagay

Xildhibaanada barlamanka somaaliya oo manta kulan ku qaatay magaalada muqdisho ayaa waxa uu kusoo dhamaaday natiijo xumo kadib markii qaar kamid ah xildhibaanada buuq iyo qeylo ka dhexbilaabeen kulanka Baarlamaanka.

Kulankaan oo ahaa ka doodista miisaaniyada Xukuumadda Soomaaliya ee 2013 ayaa intii ay socotay dooda qaar kamid ah xildhibaanada soo jeediyeen inloo baahanyahay in wax badan laga badalo dhaqaalaha loo qorsheeyay Ciidamada qalabka sida iyo Safaaradaha Soomaaliya islamarkaana ay ku dhaliileen in tani aysan u cuntamin Shacabka somaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar oo kalfadhiga barlamanka shirguddoominaye ayaaa kulanka so xiray kadib markii Xildhibaanadu buuq iyo fooda ka dhiageyn goobta islamarkaana uu Xildhibaanada u sheegay in kulanka xiranyahey maalinti bari ahna la isku soo laaban doono.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: