Calendar

maamulka dagmada Cabdicasis ee gobalka banaadir oo howlgaliyay dhalinyaro amaanka dagmada ka shaqayso

maamulka dowlada ee ka dhisan dagmada Cabdicasiis ee gobalka banaadir oo bilaabay dadaalo saaid ah oo laggu xaqiijinayo amaanka dagmadaasi

Guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo soo magacabey degmadaas Cismaan Muxyadiin Macallin ayaa dhallinyaro isugu jirta wiilal iyo gabdho u abaabulay in ay la socdaan falalka ka dhanka ah ammaanka.

Dhallinyarada ayaa loo sameeyay horjoogeyaal afar ah iyo ciidamo gaar ah oo la shaqeeya.

Ibraahim Axmed Maxamuud oo ka mid ah horjoogeyaasha dhallinyarada oo la hadlaywarbaahinta bartamaha ayaa cadeeyey` in ay gaarayaan 100 qof, isla markaana ay ciidamada nabad sugidda-qaranka u gudbinayaan cidda ay ku arkaan in ay samaynayso falal ka soo horjeeda anshaxa iyo ammaanka.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: