Calendar

magaalada baladwayne oo aad loo adkeyey

Duqa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim ayaa sheegay in la doonayo in la adkeeyo ammaanka magaalada.

Cumar oo u warramay warbaahinta bartamaha ayaa sheegay in kulamo uu la yeeshay laamaha ammaanka iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada, kuwaas oo uu kala hadlay ammaanka ee gobalka iyo kan dagmadaba.

sidoo kale Duqa magaalada Beledweyne ee xarunta goobolka hiiraan ayaa xusay in saakay la billaabay howlgallo iyo roondooyin laga samaynayo xaafadaha magaalada Beledweyne.

sido kale waxaa uu timaamey inuu ka shaqeyn doono is-dhexgalka bulshada, taas oo uu sheegay in ay qeyb ka noqon karto sugidda ammaanka gobalkaasi

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: