Calendar

Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan Muqdisho kula qaatay Qurbo Joog Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Max’uud Axmed Nuur Tarsan  ayaa maanta waxa uu kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho  Qaar Ka mid ad Qurbo Joogta Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Tarsan oo kulanka qudbad dheer ka Jeediyay ayaa sheegay in Qurba Joogta Soomaaliyeed looga baahanyahay in kaalin wacan ay Ka geystaan dib u dhiska dalka isagoo carabka ku adkeeyay in iyaga ay uga Nugul Yihiin Kuwa Gudaha Joogo Maadaama ay soo arkeen dhibaatada ay leedahay Nolosha dal Shisheeye islamarkaana ay soo arkeen Neecawda Nabaddu leedahay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhanka kale sheegay in qurba Joogta ay ka soo qayb galaan kulan Ballaaran uu soo qaban qaabiyay Maamulkiisa oo ka dhici doona Xarunta Gobolka kaasi oo uu sheegay in looga tashan doono Nabad ku soo  dabaalida Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo ka shaqeynta Bilicda Dalka.

 Ugu dambeyn Guddiga dhaqanka qurba Joogta Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada Horumarka dalka gaar ahaan wixi kaga aadan in ay kaalin ka geystaan Nabadeynta iyo Horumarka Muraayaddii dalka Magaalada Muqdisho.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: