Calendar

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka arrimaha Gudaha oo gaaray Baydhabo

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Wasiirka ayaa waxaa Safarkiisa ku wehliya Xubno kale oo ka tirsna Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’uud Fiqi iyo Xubno kale oo kakala tirsan Labada Gole ee dowladda  iyagoo Maanta halkaasi kulan kula qaatay Saraakiisha,Masuuliyiinta Gobolka iyo Qaybaha Bulshada Gobolkaasi.

Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Bay oo warbaahinta faah faahin ka siisay U jeedka Socdaalka Wafdigaani ka tirsan dowladda ee Gaaray Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in halkaasi ay u tageen arrimo kala duwan oo u badan indha indheyn Maamulka halkaasi ka jira iyadoo warar Hoose oo aan heleyno ay tilmaamayaan in halkaasi ay uga qayb galayaan qorsho Maamul Goboleed loogu dhisayo Gobollada Koofureed ee dalka oo Maal mihii ugu dambeeyay qaban qaabadeeda ay ka socotay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay halkaas oo ay ku sii qul qulayeen Waxgaradka kala duwan ee ku dhaqan Gobollada Bay iyo Bakool.

Lama Shaacin inta uu qaadan doono Socdaalka Masuuliyiintaan ka tirsan dowladda Soomaaliya ee Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: