Calendar

Madaxweynaha ” 2014 ha noqdo sanadkii aan cirib tirnay Al-Shabaab”

Addis Ababa — Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa gaaray Addis Ababa, si uu uga qeyb galo shirka 22-aad ee Midowga Afrika. Soomaaliya ayaa aaminsan in la labo jibaarayo taageerada ku aadan cirib tirka Al-Shabaab.

Madaxda dalalka Afrika ayaa diiradda saari doonan agenda 2063 oo dhigayo meesha qaaradda Africa la doonayo in ay gaarto sanadkaas. Agendada ayaa waxaa ku xusan in qaaradda Afrika ay talaabo la taabam karo sida dowlad wanaaga, dhaqaalaha, iyo horumarka.

Madaxweynaha ayaa sheegay” Sanadkaan waxaan ku bilaawnay guulo laga gaaray cadawga dalka, anaga oo aad isku diyaarinay kaalmana ka heleyno saaxibadeena, waxaan ku qasabnay cadawga in ay waayaan meel ay ku nastaan kuna dhuuntaan. Waxaan saarnay culeys aysan u dulqaadan Karin, oo ka mid ah weeraro isdaba joog ah oo meel walba ah.
Waan wadeynaa qorshaha cirib tirka Al-Shabaab. Howshaan, waa in aan soo af-jarnaa sanadkan 2014”

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: