Calendar

Madaxweynaha Kilinka 5aad oo Kullamo La Qaadtay Soomaalida Minnesota

Madaxwaynaha Xukuumadda deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa dhawaanahaba waxa uu kullamo is daba joog ah la qaadanayay Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka mataanaha ah ee gobolka Minnesota ee dalka mareykanka, waxa uuna madaexweynuhu qaabilayay qabaa ilada Soomaaliyeed iyo ururada halkaasi ka dhisan ee ka soo jeeda gobolka Soomaali galbeed si ay uga wada hadlaan in nabad galyo amaan horumar iyo wax wada qabsi lagu soo dabaalo gobolka ay Soomaalidu ka degto dalka itoobiya si loola socodsiiyo maamulada kale ee federaaliga ah ee dalka Itoobiya ka dhisan.

Labo Kamida Masuuliyiintii La Kulmay Madaxweynaha

Madaxweynaha oo ka duulaya heshiisyo dhawaantan ay la saxixdeen qaar kamida garabyada jabhadaha hubeysan ee ka dagaalama gobolka Soomaali galbeed oo ay kamid yihiin jabahadda ONLF iyo UWSLF ayaa ugu baaqay dadkii uu la kulmay iney u baahan yihiin in la yimaado gobolka isla markaana la maalgashto lagana shaqeeyo sidii dadka iyo dalkaba looga sahqeyn lahaa horumarintiisa waxa uuna uga digay iney dadku taageeraan dagaalada iyo barakicinta dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka ay Soomaalidu ka degto dalka itoobiya, isagoo carabka ku adkeeyay in wax waliba ay ku wanaagsan yihiin in lagu dhameeyo nabad iyo wada hadal si loo gaaro xasilooni iyo isku filnaan.

Guddiga oo kawada hadlaya waxyaabihii la iskula soo qaaday Kullanka

Ururada Madaxweynaha la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa ururada Midnimo iyo Tacliin oo kamida ururada ka dhisan gobolka Minnseota ee ay garwadeenka ka yihiin Soomaali ka soo jeeda gobolka ay Soomaalidu ka degto dalka Itoobiya waxa ayna labadan urur madaxweynaha ugu baaqeen inuu xoojiyo nabadeynta iyo wada noolaansaha bulsahada Soomaaliyeed ee gobolkaasi ku nool isla markaana xoojiyo barnaamijyada horumarada bulshada lagu gaaro iyagoo tilmaamay inuu wakhti iyo lacagba galiyo xoojinta waxbarashada dadka gobolkana kala dagaalamo jahliga si looga baxo fakhriga iyo abaaraha baahsan ee ka jira gobolka Soomaalidu ay kaga dhaqan tahay dalka Itoobiya, waxayna tilmaameen ururada Midnimo iyo Tacliin in haddi la xoojiyo barashada culuumta la furo macaahid jaamacado, iyo xarumo dadka lagu tababaro ay noqon doonto in gobolku uu ka baxo jahliga iyo colaadaha ragaadiyay.

Guddiga oo kullanka ku guda Jira

Dhinaca kale masuuliyiin iyo ganacsato ka tirsan beesha Tanade ayaa iyaguna kamid ahaa dadkii kullanka la qaadtay madaxweynaha waxa ayna ugu baaqeen hogaamiyaha kilinka 5aad ee ay Soomaalidu ka degto dalka Itoobiya inuu ka sahqeeyo sidii Baarlamaanka Itoobiya iyo kan kilinkaba uu ugala sahqeyn lahaa in la fududeeyo sharciyada iyo qawaaniinta u ogolaanaya iney ganacsatadu maal gashadaan mashaaricda sare loogu qaadayo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalooyinka waaweyn ee looga dhaqan gobolka Soomaalidu ay ka deggan tahay dalka Itoobiya, sidoo ale waxay ganacsatadni ku boorisay madaxweynaha iney muhiim tahay in laga shaqeeyo dhisitaanka wadooyinka isku xira guud ahaanba deegaanada kilinka 5aad si ay suura gal u noqoto in la isu safrin karo badeecooyinka ganacsiga iyo wadaagidda mashaariicda horumarinta isla markaana loo gaaro in la sameeyo xarumo la isla og yahay oo ay baabuurta Itoobiya galaeyso iyo kuwa Soomaaliya galayaba ay kala isticmaalaan si loo xakameeyo amaanka iyo xasiloonida ka jirta gobolka loona sugo nabada iyo wada noolaanshaha dadka ku dhaqan guud ahaan gobolka ay Soomaalida ka deggan tahay dalka Itoobiya.

Dhagadheere iyo Madaxweynaha oo wada taagan

Sidoo kale Madaxweynaha kilinka 5aad Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ganacsatadii iyo ururadii uu la kulmay ku booriyay iney muhiim tahay in gobolkii dib loogu soo noqdo loogana sameeyo mashaariic horumarineed oo sare loogu qaadayo nolosha iyo wax wada qabsiga guud ee ummadda walaalaha ah ee Soomaaliyeed ee uu ilaahay gobolkaasi ku beeray, waxa uuna hogaamiyuhu halkaasi ka balan qaaday iney sugayaan amaanka iyo xasiloonida guud ee gobolka isla markaana ay dhiiri galainayaan in ganacasatadu maal gasahi iyo horumar ay ka sameeyaan gobolka si loo gaaro horumar baahsan oo dadka wada gaara isagoo intaasi raaciyay in xukuumadda Soomaalida ee kiilinka 5aad ay ku dadaalayso qaabkii loo horumarin laha degmooyinka iyo gobolada maamulkaasi isagoo sheegay in la wado qorshayaal lagu balaarinayo waddooyinka laamiga ah ee ku yar gobolkaasi isla markaana la xaqiijin doono in horumarad laga sahqeynayo ay noqdaan kuwo dadka wada gaara oo si dahmeystiran looga faa’ideysto.

Madaxweynaha oo gacan qaadaya Masuuliyiintii uu la kulmay

Kullamadaan is daba jooga ah ee uu madaxweynaha maamulka kilinka 5aad kula qaadanyo Soomaalida ku nool gobolka Minnesota oo ah halka ugu bada ee ay Soomaalidu ka deggan tahay dalka mareykanka ayaa kusoo beegmaya xilli sanadkii hore ay muumulka kilinka 5aad iyo dawladda Federaaliga ah ee dalka Itoobiya ay iska kaashadeen in hsehiisyo ay la galaan qaar kamida jabhadihii hubeysnaa ee ka dagaalamayay gobolkaasi waxaana dhawaantan ay xukuumadda Kilinka 5aad ku guulaysatay in xabsiyada laga sii daayo dad badan oo xubno ka ahaa jabhadahaasi taasi oo yididiile galisay maamulka iyo qaar badan oo kamida shacbiga ku nool deegaanadaasi.

Kullamadan uu madaxweynuhu la qaadanayay Soomaalida ku nool magaalooyinka St Paul iyo Minneapollis ayaa waxaa hareer socday mudaharaadyo ay ka qeyb qadanayeen dad gaaraya ilaa iyo 300 ruux kuwaasi oo wadtay boorar ay ku qoran yihiin erayo liddi ku ah madaxweynahan iyo maamulkiisa waxa ayna ku dhawaaqayeen erayo ay kamid yihiin daba dhilifka dawladda Tigrreega iyo sidoo kale dhawaqyo baahsan oo ay ku sheegayeen ineysan raali ka ahayn xukuumadda Itoobiya, tan kilinka 5aad ee ay Soomaalidu ka arimiso iyagoo sheegay iney ku jiraan gumeysi lagu dhameynayo shacbiga dhibaateysan ee gobolkaasi ku nool.

Halkaan ka Daawo Sawirada oo Dhameystiran

W/D Cabdiqafaar Shire

Sawir qaade Cawil Cabdalla Cigaal

Minnesota, Mareykanka

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: