Calendar

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland oo xukuno kala duwan ku riday Edaysanayaal (sawirro)

Boosaaso_ Edeeysanaysha la horkeenay maxkamada ayaa loo haystay falal ay kamid yihiin, gaadiid urarna WFP oo lagu gubay duleedka Bosaso, askar dil gaysatay iyo rag lala xiriirinayay inay la shaqaynayeen Al-shabaab.

Tirada dadka loo haystay falkan gaadiidka la gubay ayaa dhamayd 10- qof oo qaarkood ay maxkamada kamaqnaayen, iyadoona ay magacyadoodu kala yihiin.

1-Maxamed Kamaal Xassan

2-Cabdul Siciid Faarax.

3-Xarbi Calin Jaamac.

4-Siciid Cabdi Cali.

5-Yuusuf Maxamed Halac.

6-Axmed Amoore.

7-Cabdulaahi Mirindi.

8-Siciid Cumar Yuusuf.

9-Faarax Axmed Ciise.

10-Iyo Carab Cabdi Cali.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Gobolada Bari,Karkaar,Gardafuu iyo Sanaag Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa eedeysanayaasha loo haystay Gaariga la gubay ku xukumay inay bixiyaan Hantida Gaariga la gubay iyo Kharashka saarnaa oo lagu qiyaasay 166805-Doolar.

Sidoo kale maxkamada ayaa xoriyadooda ucelisay labo nin oo lagu kala magacaabo Mubaarak Xaaji cabdi iyo Ayuub Sayid Cali oo loo haystay inay katirsanayeen Al-shabaab inkastoo damgaasi lagu wayay.

vlcsnap-2014-06-24-02h48m57s115 vlcsnap-2014-06-24-02h49m10s244 vlcsnap-2014-06-24-02h51m19s5 vlcsnap-2014-06-24-02h51m44s252 vlcsnap-2014-06-24-02h52m17s71 vlcsnap-2014-06-24-02h53m04s27 vlcsnap-2014-06-24-02h53m35s83

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: