Calendar

Madaxweynaha Soomaliland oo xabsiga kasii daayey wariyayaal

siilaanyoBartamaha Hargaysa _ Madaxweynaha Maamulka Soomaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta safar ugu amba baxay dalalka Itoobiya iyo Ingiriiska, isagoona ujeedka safarkiisa ku macneeyey mid ubadan arrimo nasasho.

Axmed Siilaanyo oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa sheegay inuu ku horayn doono dalka Itoobiya, oo uu sheegay inay kala dhaxeeyan arrimo wada shaqayneed maadama uu sheegay inay yihiin labo dal oo jaar ah.

Wararka ayaa sheegaya in Safarka Madaxweyne Siilaanyo ee Dalka Itoobiya uu ku doonayo sidii uu masuuliyinta dalkaasi ugala hadli in dowlada Itoobiya ay dib ufurto xadka udhexeeya labada dal oo in muddo ah xirnaa.

Madaxweynaha Soomaliland ayaa dhinaca kale maanta amar ku bixiyey in xabsiga lagasii daayo labo wariye oo horay maxkamad ku taala Hargaysa ugu xukuntay sanado xarig, kadib marki lagu edeeyey inay baahiyeen warar wax udhimaaya qaranimada Soomaliland.

Axmed siilaanyo ayaa la filayaa in dalka Itoobiya ugasii gudbo dalka ingiriiska, halkaasi oo la sheegay inuu utagi doono arrimo nasasho.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Hargaysa.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: