Calendar

Turkiga oo hakiyey hawlihii uu kawaday Muqdisho

turkigaBartamaha Muqdisho _ Dowlada Turkiga ayaa hakisay hawlihii samafal ee ay kawaday magaalada Muqdisho, kadib cabsi xoogan oo soo foodsaaratay shaqaallaha turkiga ee ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Shaqaalaha turkiga ayaa la sheegay inay soo food saartay cabsi, kadib markii todobayadii lasoo dhaafay ay Al-shabaab dilal iyo weeraro qorshaysan ka gaysteen magaalada Muqdisho.

Turkiga ayaa mujiyey wel wel ku aadan in inta ka dhiman bisha Ramadaan ay Al-shabaab weeraro kale ka gaystaan Muqdisho, kuna bartilmaamedsadan shaqaalaha Turkiga kaga sugan Muqdisho.

Waxaa la filayaa in horaanta bisha soo socota ay Turkigu dib ubilaaban hawlaha ay kawadaan magaalada Muqdisho.

Turkiga ayaa howlo dayactir iyo dhisme ah kawada magaalada Muqdisho, waxaana talaboyinkaasi aad ula dhacsana shacabka ku dhaqan Muqdisho.

www.Bartamaha.com

Muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: