Calendar

Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti oo ku kulmay magalaada Addisababa oo uu ka socdo shirka madaxda Afrika (SAWIRRO)



Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ka hor intii uusan furmin shirkii madaxda Midowga Afrika.

Labada madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal, arinta amniga Soomaaliya, ciidamada AMISOM oo ciidammo Jabuutiyaan ah ay ku jiraan iyo arrimaha shirka Midowga Afrika oo looga hadlayo xiriirka u dhaxeeya Midowga Afrika iyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah uga mahadceliyay madaxweyne Geelle doorkiisa ku aaddan arrimaha Soomaaliya iyo sida ciidamada Jabuuti ay howlo wanaagsan uga hayaan dalka Somaliaoo bulshaduna ay kalsooni weyn ugu qabaan.

Sidoo kale, Xasan iyo Geelle ayaa shirkooda kaddib waxay ka wada-qayb-galeen shirkii Midowga Afirka oo qodobka looga hadlayo uu yahay xiriirka u dhexeeya Midowga Afrika iyo maxkmadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, falalka aragagaxiso ee ka dhacay dalalka Kenya iyo Nigeria.

Madaxa Midowga Afrika, Zuma iyo ra’iisul Itoobiya oo ayaa furitaankii shirka aka sheegay in ururka Midowga Afrika uu dhowr jeer cabasho u gudbiyay maxkamadda ICC, hase yeeshee aan waxba laga qaban cabashooyinkaas. Iyagoo maxkamadda ku eedeeyay inay si gaar ah u beegsato mas’uuuliyiinta Afrika, taasoo aan cadaalad ahayn.

Madaxweynayaasha Afrika ayaa weli ka doodaya xiriirka Midowga Afrika iyo maxkamadda dambiyada caalamiga, iyadoo laga yaabo inay go’aan cad oo ay isku raacsan yihiin ay ka qaataan maxkamadda.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxay maxkamadda ka socotay dacwad loo haysto madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto iyo wariye u dhashay dalka Kenya oo labaduba ku eedeysan falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay dalka Kenya sannadkii 2007-dii.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: