Calendar

Madaxweyne Shariif oo la kulmay Meles Zenawi iyo qorshe labada masuul ay u jeexeen la dagaalanka Islaamiyiinta.

sharifBartamaha(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa yeeshay kulan xasaasi ah oo ay ku falan qeeyeen talaabada laga qaadi karo Islaamiyiinta sii badanaya.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Meles Zenawi ayaa waxa ay kulan yeesheen markii uu dhammaaday kulankii madaxda Wadamada Afrika oo shalay la soo afjaray.

Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu dalbaday in Dowlada Ethiopia ay ka caawiso la dagaalanka Kooxda Islaamiyiinta oo muhiim ay tahay in aanay u gudbin Wadamada Soomaaliya la jaarka ah.

Labada Masuul ayaa waxa ay wada hadlayeen muddo saacada ah oo inta badan kulanka uu albaabyada u laabnaa oo aan saxaafada loo ogolayn wallow markii danbe ay warbixin u gudbiyeen warfidiyeenada.

Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa la sheegay in Dowlada Ethiopia uu ka dalbaday in ay iskaashi la yeelato Dowladiisa si loo cuuryaamiyo Mucaaradka Islaamiyiinta oo dagaalo ka wada Soomaaliya.

Warar ay daabeceen qaar ka mida Wargaysyada ka soo baxa Wadamada Afrika ayaa waxa ay sheegeen in labada masuul ay wada go’aansadeen qorshe lagula dagaalamayo Mucaaradka Islaamiyiinta.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: