Calendar

Alshabaab oo dalbatay in loo gurmado dadkii ku hanti beelay Dabkii Xalay Bakaaraha ka kacay.

shababBartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alshabaab ayaa dalbatay in la gargaaro ganacsatadii Xalay ku hanti belay dabkii ka kacay Suuqa Bakaraha kaasi ooh anti badan ay ku gubatay.

Gudoomiyaha Shabaab Muqdisho Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo saxaafada la hadlayay ayaa baaq u jeediyay ganacsatada hantida leh in ay gurmad siiyaan walaalahooda Xalay hanti belay.

Gudoomiyaha ALshabaab Gobolka Banaadir ayaa intaasi ku daray in loo baahanyahay in la isku gargaaro oo gacan la isku fidiyo xiliga ay Musiibada soo dagto sida Xalay dhacday oo kale.

Masuulkaasi Shabaabka u qaabilsan Muqdisho ayaa waxa uu intaasi ku daray in ay badbaadiyeen hanti badan oo xalay la doonayay in la bililiqeysto taasi oo ay ka hortageen Ciidamada Mujaahidiinta sida uu sheegay Masuulkaasi.

Ciidamada Shabaabka ayaa saaka oo dhan waxa ay wadeen baaritaano iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dadka soo galaya Suuqa Bakaaraha maadaama illaa xalay uu dab xoogan ka socanayay qeyb ka mida Suuqaasi Bakaaraha.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: