Calendar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo La Kulmay Madaxweynaha Kiinya Mwai Kibaki

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Talaado ah, waxa uu magaalada Kampala ee caasimada Uganda kula kulmay dhigiisa dalka Kenya Kibaki.

Sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya kulanka labada madaxweyne ayaa looga hadlay arrimihii ugu dambeeyay ee labada wadan.

Madaxweynaha Kenya ayaa u sheegay dhigiisa dalka Soomaaliya in uu taageersan wax yaabaha hadda ka socda dalka ku yaalla geeska Africa.

Wuxuu kaloo sheegay madaxweyne Kibaki in dowladda Kenya iyo shacabkeeda ay ka go’antahay siddii xasilooni iyo nabadgalyo uga dhallan lahayd Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay kooxda Al-Shabaab inay hubka dhigaan oo ay nabadda qaataan.

Madaxweynaha Kenya ayaa u sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in Kenya qorsho gaar ah aysan ka lahayn Soomaaliya, laakin ay doonayaan in ay arkaan Soomaaliya oo ka dhalata xasilooni iyo babad.

Wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay madaxweyne Kibaki Kenya howgalka ay ka wado koonfurta Soomaaliya uu yahay mid lagu xasilinaayo halkaas, iyadoona markasta taageersan yihiin in maamulka loo sameenaayo gobalka Jubbadda Hoose laga sugaayo dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay meelaha ciidanka Kenya ay joogaan mustaqbalka haddii ay nabad noqoto loo rari doono qoxootiga Soomaalida ee ku noo Kenya.

Madaxweyne Kibaki ayaa waxa kaloo uu ku baaqay in la kordhiyo waqtiga AMISOM oo ku egyahay dhammaadka bishan, si loo wiiqo awooda kooxda Al-Shabaab.

Waxa ugu dambeyn u sheegay in Kenya ay taageersan tahay madaxweynaha iyo dowladiisa.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay dhigiisa dalka Kenya taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Waxana uu sheegay in labada dowladood ay isla shaqeyn doonaan

Kulanka maanta waxa ka qeybgalay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Prof. Sam Ongeri, Ambassador Patrick Wamoto  iyo xubno kale.

Waa kulankii ugu horreeyay ee dhexmara madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii bishii hore loo doortay madaxweynaha dalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Kenya Kibaki.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Uganda waxa uu kulamo la qaadan doono madax uu ka mid yahay madaxweynaha Masar Maxamed Mursi.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: