Calendar

wasiir kamid ah wasiirada maamulka Galmudug oo lagu weeraray howgiisa

wasiirka warfaafinta maamulka galmudug ayaa waxaa xalay gurigiisa weeraray kooxo hubaysan oo anan haybtooda la garanayn, wasiir Xassan abdulqaadir xasan ayaa kusugnaa howgiisa marka la soo weeraray.
guriga Wasiirka oo ku yaala xaafada Garsoor, ayaa waxa uu iska caabin kulul dhex maray ilaalada hoyga Wasiirka iyo kooxihii weerarka soo qaaday, iyadoo muddo kadibna ay goobtaasi ka gurteen kuwii weerarka soo qaaday.

dhinaca kale Mid ka mid ah ilaalada Wasiirka, ayaa la soo sheegayaa in uu ku dhaawacmay weerarkaasi, inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaaya khasaaruhu in uu intaa ka badan yahay.

sido kale Wasiirka oo weerarkaan ka hadlay, ayaa waxa uu ku eedeeyay Sarkaal ka tirsan Maamulka Puntland, oo uu magaciisu ku soo koobay Jaamac, kana tirsan sida uu yiri Canshuur qaadiska Waqooyiga Galkacyo.

dowlada puntland kama aysan jawaabin edaynta ooga timid wasiirka warfaafinta maamulka galmudug ee xalay lagu weeraray hoygiisa uu ka dagan yahay caasimada maamulka galmudug ee gaalkacyo

ilaa hada wax faah faahin ah kama soo bixin labada hogaamiye ee maamulada kala ah galmudug iyo puntland

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: