Calendar

Masuul katirsan maamulka Jowhar oo gaarigisa qarax loogu xiray

Jowhar-4

Bartamaha Jowhar_ Sarkaal katirsan maamulka dowlada hoose ee degmada Jowhar ayaa dhaawac soo gaaray kadib markii gaarigisa loogu walxaha Qarxa.

Masuulkan oo layiraahdo Daahir Maxamed Kaanti ayaa waxa uu dhaawacu kasoo gaaray lugaha, waxaana xiligani xaaladiisa lagula tacaalaya Isbitaalka degmada Jowhar.

Qaraxa gaariga ayaa dhacay xili uu ku sugnaa suuqa weyn ee degmada Jowhar, mana jirto cid kale oo wax khasaare ah kasoo gaaray.

Lama oga cida kadamaysay falkaan lagu doonayey in lagu khaarijiyo sarkaalkan katirsan maamulka degmada Jowhar, waxaana arrintani aad ula yaabay bulshada kunool degmada, maadama ay tahay markii ugu horaysay oo fal noocani ah ka dhaco degmadaasi.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Jowhar.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: