Calendar

Muwaadin Maraykan ah oo qirtay inuu taageray Al-shabaab

GufraanBartamaha Maraykanka _ Nin haysta dhalashada dalka Maraykanka asalkiisuna yahay Hindi ayaa lasoo toogay maxkamad ku taala dalkaasi, kadib markii la ogaaday inuu taageero siin jiray xogaga islaamiyinta ah ee ka dagaalama Soomaliya iyo Syria.

Gufran Axmed Kauser oo 31- sano jir ah ayaa qirtay dacwadaha lagusoo oogay, waxaana uu cadeeyey inuu qalab iyo dhaqaaleba ku taageeray xoogaga Islaamiyiinta ah.

Ninkaan ayaa sheegay in dhamaadkii sanadkii tegay 2013-ki uu lacag gaaraysa $21,000 ugu deeqay Al-shabaabka Soomaliya iyo Al-Nusra oo kadagalanta Syria.

Xukunka eedaysanaha ayaa dhici doona 24 ka bisha October, waxaana la aminsan yahay in lagu xukumi doono 15-sano oo xarig ah.

Gufraan ayaa waxaa bishii August ee sanadkii tegay gacan kusoo dhigay sirdoonka maraykanka xili uu ku sugnaa dalka Sucuudiga isaga iyo nin kale oo la yiraahdo Maxamed Xuseen Siciid, waxaana lagu edeeyey inay la shaqaynayeen Aragagisada.

Baratamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: